Baraawe (INO)- Waxaa maanta la filayey inuu gaaro Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose Wafdi uu Hogaamin laha Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ciidan badan ayaa la dhigay Hareeraha Magaalada iyo gudaha Baraawe kuwaasi oo si weyn usugayey Nabad gelyada waxaana meelaha qaar Baraawe maanta aheyd Bandow Maalmeed.
Si faah faahsan looma sheegi karo waxa baajiyey Safarkaasi balse ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad waxay sheegeen in Madaxweynaha uu Arimo Farsamo ucodsaday in Socdaalka Berri loogu dhigo ay ku tegayaan Baraawe.
Gudoomiyaha Maamulka Baraawe Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Xuseen Jeex ayaa warbaahinta usheegay inay soo gaartay baaqashada Socdaalkii Madaxweyne Shariif Xasan Balse Berri ay sugayaan inay yimaadaan.