Xildhibaan C/qadir Cosoble oo ka digay colaad ka dhalata qaabka loo qaybiyay Aqalka Sare

0
203

Muqdisho(INO)- Iyadoo weli dood ay ka taagan tahay hanaanka loo qaybsaday Xubnaha Aqalka Sare ee dalka, islamarkaana aysan cadeyn Xubnaha Gobolka Banaadir uu ka helay Aqalka Sare, ayaa Xildhibaanada qaar waxa ay ka digayaan colaad arimahaasi ka dhalata.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa ka digay colaad ka dhalata qaabka xubnaha Aqalka Sare loo qaybiyay.

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble ayaa madaxda dowladda ugu sarreysa iyo kuwa madashaba u jeediyay in ay dib ugu laabtaan awood qeybsiga aqalka sare oo magaalada Muqdisho la siiyo xubnaha ay xaqa u leedahay.

“Waxaan leeyahay dib ugu laabta sida loo qeybiyay aqalka sare, maxaa yeelay arrintaa waxay keeni kartaa colaad hor leh waxaana leeyahay hala diido aqalkaasi sababtoo ah arrintaas lama aqbali karo.” ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Xildhibaan Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in arin xadgudub ay tahay in la xaqiro xaqa ay leeyihiin dad gaaraya Labo Milyan oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho.

“In maanta la yiraahdo dadka deggan Muqdisho xaq kuma lahan aqalka sare waa xad gudub lagu sameynayo dad ka badan Labo Milyan oo qof, dastuurkana way ka hor imaanaysaa arrintaas” ayuu yiri xildhibaanka.

Dowladda Somaliya ayaa dhowr mar loogu baaqay inay wax ka qabato arinta Gobolka Banaadir oo Dowladda Xasan Sheekh aysan si toos ah weli u cadeynin.