Kulankan ay yeesheen golaha wasiirada Soomaaliya oo bilowday gelinkii danbe ee shalay islamarkaana Gaaray ilaa xalays aqdii dhexe ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo quseeya xaalada dalka iyo Horumarinta ay dowladu hormuudka katahay ee kasocda.
Kulankan oo uu shir gudoominayay raisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ayaa ugu horeyn looga hadlay habka nidaaminta shaqaalaah dowlada iyo heerarkooda maadaama Isbedel dhinaca maamulak ah uu akdhacay dalka islamarkaana loo baahanyahay in hagaajiyo habka Dhaqaalaah iyo xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee dowlada Soomaaliya xili dhawaan la ansixiyay Miisaaniyada cusub oo ay xukuumadu diyaarsiay.
Wasiirka wasaarada Warafafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka mudane C/laahi ciilmooge Xersi Ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga dooday sharciga bankiga horumarinta Soomaaliyeed oo Golaha wasiirada la horkeenay kaasoo dib loo dhigay ansixintiisa
Isagoo intaa raaciyay in sidoo kale golaha lahordhigay sharxiga hay’ada duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya taasood hawaan lagu biiriyay wasaaradda warfaafinta.
Mudane Ciilmooge ayaa sidoo kale xusay in shirkan xalay laga garankaro muhiimadiisa waqtiga dheer Ee uu qaatay iyo sida ay dowlada uga go,antahay horumarinta wadanka
Dhinaca kale wasiirka warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta,iyo Gaadiidka mudane C/laahi Ciilmooge Xersi Ayaa maanta u amababaxay dalka Spain halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka Isgaarsiinta caalamka Oo ay iskugu imaanayaan wadamada caalamka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u Leeyahay Soomaaliya maadaama ay aksoo qeybgalayaan madax farabadan oo uu kamidyahay Madaxweynaha isgaarsiinta aduunka kuwaasoo uu wasiirku lamadalsanyahay sidii uu ula kulmi lahaa.
Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay wasiir kuxigeenka wasaaradda mudane Ibraahim Isxaaq Yarow oo hadda ah Kusimaha wasiirka,agaasimaha guud ee wasaaradda C/risaaq Cali yuusuf Bahlaawi iyo agaasimaha waaxda Shaqaalaha.
Idale News Muqdisho