Waxbixin: Doorka Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin doorashada dadban oo ku eg September 12keeda.

0
261

Baydhabo (INO) – Iyadoo gobolada qaar durbada lagu soo gabagabeeyey wajigii ugu muhiimsanaa ee doorashada dadban ee 2016, isla markaasna lagu wacyi gelinaayey odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, ayaa haddana waxaa madax dhaqameedka loogu sheegay kaalintooda ku aadan soo xulista ergooyinka iyo xiliga ay howshoodu ku eg tahay.

Guddiga Doorashada dadban ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia oo ay wehliyaan wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa August 23-24keedii tababar wacyi gelin ugu sameeyey magaalada Baydhaba odayaasha dhaqanka ee beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, waxaana duqowda shirka loogu sharxay xeerarka lagu maamulaayo  doorashada iyo fariin ku saabsaneyd xadeynta awooda odayaasha dhaqanka, kan guddiyada doorashada dadban,iyo madaxda maamulada dalka & kuwa dowlada federaalka ku leeyihiin doorashada.

Fariinta sida gaar ugu socotey odayaasha dhaqanka ee shirka magaalada Baydhabo ayaa aheyd soo dedejinta liiska ergada beelaha loo qoodeeyey ka hor bisha September 12keeda; iyadoo la ilaalinaayo saamiga  qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si gaar ahna loogu xusay doorka haweenka –  iyo in laga siiyo ergada 30% (soddon boqolkiiba), halka inta soo hartana loo qeybinaayo qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, culimada, ganacsatada, waxgaradka & samadoonada kale ee beesha.

Odayaasha Dhaqanka oo welwel aad u weyn ka muujiyey in doorkooda lagu soo koobo xulista ergada oo kaliya, ayaa isku dayey in ay diidmo ka muujiyaan, hase ahaatee wakiilada beesha caalamka ee shirka ayaa ka hor yimid in ay kaalin joogta ah ku yeeshaan soo xulista xildhibaanada. dhanka kalese waxaana odayaasha loo sheegay in la diyaarshey xeerar lagu hubinaayo anshaxa doorashada iyadoo beesha caalamka kor kala soconeyso habsami u socodka howsha guddiyada doorashada ee heer gobol iyo federaal oo iyagu maamulaaya  doorashada dadban.

Wajigaa 1aad ee doorashada dadban oo  si wadajir ah isugu yimaadeen dhamaan guddiga heer gobol iyo mid federaal ayaa waxaa lagu soo bandhigey hanaanka doorashada lagu maamulaayo iyadoo la raacaayo go’aanadii siyaasadeed ee madashu horey ku gaareen, halka sidoo kale wajiga 2aad ee bandhigay soo xulista ergooyinka soo xulaaya xildhibaanada iyo kaalinta odayaasha dhaqanka oo hal cod lagu soo koobey.

Yareynta kaalinta Odey dhaqameedyada ee xulista Xildhibaanada labada aqal ayaa meesha ka saareysa cabashadii ka imaan karta natiijada doorashada iyo adeegsiga lacag laaluush ah.

Idale News Online, Baydhabo.