Nairobi(INO)-Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka furmo shir madaxeedka 6-aad ee Afrika iyo Japan ee loo yaqaano TICAD kaasi oo looga hadli doono arrimo dhowr ah.
Shirkaan waxaa ka qeybgali doona dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana uu socon doonaa Labo maalin, iyadoo shirkan diiradda lagu saari doono arrimo ku aadan maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee Labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka Labada dhinac.
Somaliya waxaa shirkaan uga qeybgali doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxaana shirkaan uu fursad muhiim ah u yahay Somaliya.
Shirkan maanta ka furmi doona Nairobi ee TICAD wuxuu noqonayaa markiisii ugu horreysay oo lagu qabto qaaradda Afrika.
Shirkii ugu horreeyay ee TICAD waxaa lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1993.
Ugu dambeyntii, Japan ayaa ka mid ah dalalka sida dhow xiriirka ganacsi ula leh qaaradda Afrika, waxaana hadda xiriirkan u muuqdaa mid sii xoogeysanaya.