Dawladda Federaalka ayaa aad uga walaacsan shirweyne lagu wado inuu 23ka Bishan ka bilawdo magaalada Kismaayo kaasoo ujeedkiisu yahay in maamul goboleed saddex gobol ah lagu asteeyo. Shirkan oo ay iclaamiyeen maamulka KMG ah ee Kismaayo iyadoo ay jiraan dawlado taageero u haya maamulkaas. Sidoo kale bulshada caalamka ayaa u aragta in maamul loo sameeyo gobolada dalka ay tahay sugitaanka dastuurka dalka Soomaaliya oo qeexaya in laba gobol iyo waxii ka badan ay sameysan karaan maamul haddii ay isku raacaan.
Dawladda Federaalka ah ayaa iyadu ku wareersan Kismaayo isla markaana garan la’ waxey sameeyaan. Ma rabaan iney aqoonsadaan ugu yaraan maamul loo sameeyo Jubbooyinka mana awoodaan iney hor istaagaan. Arinkan ayaa waxey dawladda gaar ahaan madaxweynaha ku keentey jahawareer uusan ogeyn dhinac iyo si looga dabaasho.
Wasiirka arimaha gudaha oo ah ninka ay hoos yimaaddaan gobolada ayaa isagu isku dayaya iney hakiyaan, marooriyaan ama maandooriyaan shirkaas isagoo wajiyo badan isticmaalaya. Maamulka KMG ah oo iyagu waqti badan galiyey in shirweyne lagu qabto Kismaayo ayaa iyaguna ka warhaya dhagarta Muqdishoo taalla oo ah iney hor istaagaan maamulkaas.
Labada dhinac oo si wanaagsan isaga warhaya ayaad mooddaa iney isku dhakanayaan iyadoo qolo walba ay awooddeeda isticmaaleyso.
Dawladda Federaalka ah ayaa u muuqata mid aan tixgalin sharciga dastuuriga ah ee uyaalla waddanka taasoo keeni doonta inaan la ixtiraamin haddii ay iyagu ixtiraami waayaan dastuurka waddanka. Sidoo kale maamulka KMG ah Kismaayo ayaa iyagu u arka in lagu xadgudubsan yahay oo ay jiraan dano gaar ah oo dawladda Xamar ku mashquulsan tahay.
Jaaliyadaha kasoo jeeda saddexda gobol ee Jubooyinka iyo Gedo ayaa dhawaaq badan ku taageeray maamul loo sameeyo Jubbooyinka iyagoo muddaaharaadyo badan ku sameeyey madaxda dawladda.
Tiro dhawr jeer ayaa la sheegayaa iney dawladdu isku dayday iney hakiso ama joojiso wufuud ka qaybgaleysay shirka iyadoo sida lagu soo waramayo Ugaasyo ka qaybgali lahaa shirka lagu hor istaagey Xamar iyo Gedo.
Ugu danbeyn mar haddii dalku federaal yahay, maxaa dawladda Muqdisho udiiddan iney taageeraan oo ay xiriir wanaagsan la sameystaan maamulka la sameyn doono. Mise waxey door bideen iney la dagaalaamaan isla markaana colaad tusaan kadibna dhibaato ay ka dhalato halkaas.
Wanaag iyo heshiis dhexmara Muqdisho iyo Kismaayo waa mid muhiim waxeyna ku xirnaan doontaa qaabka Muqdisho ula dhaqanto natiijada shirka ka bilaabmaya.
Idale News Muqdisho