Nairobi :Jawaari oo ku sugan Nairobi Arimo badan ka hadley-Akhriso

0
201

Xili maalmihii ugu danbeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ay ku sugnaayeen dalka Itoobiya ayaa waxaa Gudoomiyaha isaga wafdigiisa ay soo gaareen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaan oo ku sugan yihiin Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Cusmaan Jawaari u jeedada uu u yimid magaalada nairobi ayaa waxaa ay tahay inuu furo Siminaar Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya uga furmaya Magaalada Tan nairobi kadib markii Barlamaanka Soomaaliya ay galeen Fasax mudo Laba bilood ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo saaka wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC_da ayaa waxaa uu sheegay in Barlamaanka Soomaaliya tan iyo intii lasoo magacaabey ay sameeeyeen wax qabad balaaran ooo uu sheegay iney ka midka yihiin Meel marinta Xukuumada Soomaaliya,Ansixinta ray’iisul wasaaraha iyo arimaha kale.

Jawaari ayaa waxaa uu tilmaamay in Barlamaanka Soomaaliyeed uu ka duwan yahay kuwii hore qaabka ay u shaqeynayaan,isagoona carabka ku dhiftey in Wax yaabo kale oo badan wali Barlamaanka ay hor yaalan islamarkaana si deg deg ah ay ku meelmarinayaan sida uu hadalka u dhigey.

Idale News Muqdisho