Muqdisho(INO)- Iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Somaliya iyo xoogagii weeraray maqaaxida Banadir Beach, ayaa waxaa uu xilligan ka soconayaa xeendaabka maqaaxidaasi. Maqaaxida la weeraray waxay ku taallaa Xeebta Liido ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Dabley ay tiradoodu u dhaxeyso saddex illaa shan nin, ayaa gudaha ugu sugan maqaaxida, taasoo ay qabsadeen, wax yar uun ka dib, markii qarax gaari uu ka dhacay nawaaxiga maqaaxidaasi.
Saraakiisha ammaanka, ayaa Wakaaladda Wararka Somaliya ee SONNA u sheegay in xoogag hubeysan ay gudaha ugu jiraan maqaaxida Banadir Beach.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku biireen hawlgalka lagu doonaayo in lagu soo gaba gabeeyo weerarkaasi.
Boqolaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa caawa lagu arkayaa wadooyinka soo gala Xeebta Liido, waxaana xiran dhammaanba wadooyinkaasi oo dib looga celinaayo dadka iyo gaadiidkaba.
Hawlgalkan, ayaa waxaan qayb ka ahayn Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, balse waxaa la soo sheegayaa in Taliska Xalane lagu wargeliyay in ay ciidan u soo diraan halkaasi, si ay kaga qayb qaataan hawlgalkaasi.
Weerarka caawa lagu qaaday Banadir Beach, ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo dad rayid ihi ay ku waxyeeloobeen qaraxii hore ee weerarku uu ku bilowday.
Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa ku cago jugleeyay inay sii wadi doonaan weerarada uu dhiigga ku daadanayo, ee ay ka wadaan Caasimadda Muqdisho.
Afhayeenka, ayaa markale ku goodiyay inay is hortaag ku samayn doonaan qorshaha lagu doonaayo in doorashooyinka guud billaha September iyo October kaga qabsooman dalka.