Muqdisho(INO)- Xoogag hubeysan, ayaa gudaha u galay Dhismaha Banadir Beach oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, waxaana uu weerarku ku bilowday qarax xoogan.
Wararka, ayaa waxay sheegayaan in qaraxaan uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasoo la soo dhigay afaafka hore ee Banadir Beach.
Wararka waxay intaa ku darayan in dabley hubeysan ay la wareegtay Dhismaha Banadir Beach, iyadoo Ciidamada Dowladda Somaliya ay la dagaalamayaan dableydaasi.
Goobjooge, ayaa sheegay in dableydu ay Banadir Beach gashay iyagoo dhawr jiho rasaas xoogan u ridaaya.
Ciidan fara-badan, ayaa waxaa loo daabulay dhinaca Xeebta Liido, iyadoo Ciidamada Booliska ay xireen wadooyinka soo gala goobtii uu qaraxu ka dhacay.
Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaaya xoogaga sida gaarka ah u tababaran, ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay hawlgalo amni xaqiijin ah ka waday Caasimadda.
Tani waxay ka dambeysay markii ay soo baxeen digniino la xiriira suurtagelnimada in weeraro Khamiistan ka dhici karayaan Xarunta Somaliya.
La soco wixii ku soo kordha.