Daawo: Wasaarada Gaashaandhiga oo Aas Qaran loogu sameeyay Marxuum Sareeyo Guud Maxamed Cali Samatar

0
186

Muqdisho(INO)- Allaha u naxariistee Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliya Sareeyo Guud Maxamed Cali Samatar ayaa maanta Aas Qaran waxaa loogu sameeyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya, taasi oo ku taalo Degmada Dayniile.

Meydka Marxuumka oo saaka laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa Salaada Janaasada waxaa lagula dukaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, kadibna waxaa loo galbiyay godkii lagu duugi lahaa.

Aaska waxaa ka qaybgalay Madax fara badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Madaxdii ka qayb gashay Aaska waxaa ka mid ahaa Sareeya Guud Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Dhamaan Madaxda Aaska Qaran ka qaybgashay ayaa u duceeyay Marxuumka in Ilaahey Janadii Fardowso ugu Bishaareeyo, maadaama uu ahaa nin dadka ay aad u jeclaayeen.

Maxamed Cali Samatar ayaa si aad ah loogu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa dhismaha ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Qaran 1Qaran 2Qaran 3Qaran 4