Ciyaaryahan Soomaali ah oo soo hooyey guul wanaagsan Xaga tartanka ciyaaraha feerka oo lagu qabtey (Daawo Muuqaal+Warbixin)

0
228

Ciyaaryahan Soomaali ah oo ku nool dalka Denmark ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo hooyey guul wanaagsan tartan ciyaar feer ah oo lagu qabtey magaalada Herning ee dalkaas Denmark ka dib markii uu ciyaartoogaasi si dhaqso ah uu uga guuleystey ninkii ka soo horjeeday.

Daawo Muuqaal Ahaan Tartanka Ciyaarta Feerka

[vsw id=”1YeBsu4l5xk” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Ciyaaryahanka Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Ismaaciil Tooxoow oo 22 sano jir ah kuna nool dalkaas Denmarka ayaa waxaa la sheegay inuu si cajiib ah oo dhib yar oo ku garaacay oo uuna dhulka ku dhigay ka dib markii uu la helay feer culus ninkii ka soo horjeeday oo lagu magacaabo Hawrae Ketabi, Ciyaaryahanka Ismaaciil oo ahayd markii ugu horeysay oo uu ka qeyb gala ciyaarahaas ayaa islamarkiiba waxaa uu ka muujiyey wacdaro asagoona iska difaacay ciyaaryahankaas kale oo ahaa nin waayo arag ah oo ka soo qeyb galay cuyaaro hore oo badan, Ismaaciil oo ay goobtaas ku weheliyeen taageerayaal badan oo u sacbinaayey ayaa mar qura ku guuleystey inuu isla wareegii koowaadba uu dhulka dhgo ninkii ka soo horjeeday taas oo keentay inuu garsoorihii ciyaartaas dhexdhexaadinaayey uu joojiyo ka dib markii uu ninkaas ka soo kici waayey feerkii lala helay.

Ugu dambeyntiina iyadoo Ismaaciil Tooxoow uu noqonaayo ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah inta la og yahay ee ka qayb qaato tartanada noocaas oo kale ah ayaa tababaraha iyo taageerayaashiisuba waxay rajo weyn ka muujiyeen inuu mustaqbalka noqon doon ninkaas mid guul badan ka soo hooyo tartamada noocaas ah iyadoona laga yaabo inuu ka mid noqdo xidigaha ugu caansan aduunka ee ciyaarahaas ka qeyb qaato sida ay saadaaliyeen dad badan oo ka mid ah dadka u dhuun dalool ciyaarahaas.

Idale News MUqdisho