Daawo: Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Ee KGS Oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka

0
196

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa kulan ku yeeshay guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed  iyo Odayaasha Dhaqanka KGS.

Waxay ka wada hadleen arrrimo la xiriira qeybsigaa ergooyinka iyo sidoo kale arrimo ku aadan dhameystirka habsami u socodka nidaamka lagu qeybsanayo ergooyinka.

Maxamed C/laahi Mursal Wasiirka Madaxtooyada KGS Ahna  guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey kulankaasi ku faah faahiyey ulajeedka ay ula kulmeen Odayaasha dhaqanka.

“Ulajeedka kulankeena waxa uu ahaa sidii Odayaasha dhaqanka loola tashan lahaa, habsami u socodka soo xulista ergooyinka, diiwaangelinta musharraxiinta, waxaan idiin la wadaago donna Foomka soo xareynta ergada iyo diiwaangelintooda” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Ugu dambeyntii, Guddiga doorashooyinka Heer dowlad goboleed waxaa u yaalla shaqooyin badan, waxaana la doonayaa inay ka shaqeeyaan nidaamka ay ku imaanayaa xildhibaannada baarlamaanka soo socda.

Halkan Ka Daawo Sawiro

0102030405