Goof-Gaduud(INO)- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal culus uu ku dhexmaray halkaasi ciidanka gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Dagaalyahano ka tirsan shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed C/raxmaan Abroon oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dagaalka ay khasaare ku gaarsiiyeen Dagaalyahanada Shabaab, inkastoo dhankooda uu ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo khasaaraha soo gaaray.
Wuxuu sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda ay sii wadi doonaan Howlgalada Shabaab looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka la sheegay in looga dilay Dagaalyahano iyaga ka tirsan ee ka dhacay deegaanka Goof-gaduud ee gobolka Bay.
Halkan Ka Dhageyso