Muqdisho (INO)-Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka warbixiyay Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Nawaaxiga Afisiyooni ee Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan 4 Ruux oo Shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii Kolonyo ay wateen Xoogaga AMISOM ay Gaari rakaab ah ku jiireen Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Jeo Kibet oo la hadlay Warbaahintaayaa xaqiijiyay in Shilkaasi uu jiro, waxuuna intaasi ku daray kiiskaasi ay ka war hayaan ayna wadaan baaritaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Booliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo sida uu hadalka u dhigay qaabka uu u dhacay Shilkaasi.
Inta badan Gaadiidka ay wataan Ciidamada AMISOM ayaa Dad Shacab iyo Gaadiid ka dadweynaha ku jiira wadooyinka ugu mashquulka badan ee Magaalada Muqdisho.