Guddoomiyaha BFS oo kulan la yeeshay guddi loo xil saaray qaban qaabada aaska jen. M. Cali Samatar

0
187

Muqdisho(INO)- Guddoomiyaha baarlamaanka, ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulan la yeeshay Guddiga qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samatar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qaban qaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samatar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo saddex cisho ah oo caawa ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.calisamatar
Guddigan oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmahan ku howlanaa qaban qaabada aaska, iyadoo Meydka Marxuum Maxamed Cali Samatar dhowaan loo soo qaadi doono Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa fartay Safaaradda Soomaaliya ee Washington in magaalada Muqdisho loo soo qaado Meydka Marxuum Maxamed Cali Samatar, si aas qaran loogu sameeyo gudaha dalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne Kuxigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.