Dhageyso: Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab Oo Dhexmarey Dagaal Xoogan

0
188

Baydhabo(INO)- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Bay, kaasi oo khasare kala duwan geystay.

Ibraahim Shik Shigow, guddoomiyaha degmada Diinsoor oo la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay qaadeen weerarkaasi dagaalka ah, islamarkaana ay la kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha inay dileen rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo gaaraya Shan, wuxuuna sheegay in dhankooda Hal askari uu ka dhintay, wuxuuna guddoomiyaha intaasi ku daray in ay nolosha ku hayaan Saddex qof oo ka tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab.

“Annaga nolosha waxaan ku haynaa Saddex Askari oo Al-shabaab ah, Shan waan ka dilnay, annagane Hal askari ayaa naga dhintay, meelihii aan tagnay waan ka sifeynay Nabad diidka” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladan ka dhacay gobolka Baay iyo khasaaraha la sheegay in dhankooda lasoo gaarsiiyey.

Halkan Ka Dhageyso