Rio(INO)- Iyadoo maalmo ka hor orodyahanka reer Itoobiya ee ciyaaraha Olombikada ugu qeybgalayay orodka marathon-ka Feyisa Lilesa uu markii uu dhameeyay tartanka ku dhiiraday in uu muujiyo dibadbaxa dadka oromada iyo xasuuqa ay ciidamada Itoobiya u geysanayaan qowmiyadaasi Oromada ee uu kasoo jeedo.
Waxa uu diiday in uu dib ugu laabto dalkiisa maadaama uu ka baqanayo in ay waxyeeleyso dowladda Itoobiya oo uu mucaaradsan yahay, waxaana uu fiiso magangalyo ka dalbaday waddamada Brasil iyo Mareykanka.
Si kastaba, dowladda Itobiya ayaa iminka ka hadashay arrintan orodyahanka dalkiisa usoo hoyay kuusha biladda silverka, waxaana ay sheegtay in ay u sameyn doonaan “soo dhaweyn” aan horay loo arag, horayna loo maqal.
Dahalkan kasoo yeeray dowladda ayaa dad badani waxa ay u qaateen hanjabaad loo dirayo orodyahanka maadaama uu ciyaaro caalami ah ka ceebeeyay dowladdiisa.
Orodyahanka ayaa sheegay in uu u baqayo nolosha xaaskiisa iyo labadiisa carruur oo ku sugan dalka Itoobiya iyo sidoo kale qaar ka mid ah qaraabadiisa oo ku jira xabsiyo.
“Dowladda Itoobiya waxay dileysaa dadkeyga, sidaas darteed waxaan u taaganahay inaan muujiyo dibadbax looga soo horjeedo falalka gumaadka ciidamada dowladda u geysaneyso dadkeyga Oromada ah, haddii ay ka hadlaan xaquuqda dimoqraadiyada waa la dilayaa, ehelkeyga ayaa xabsiyada ku jira, ayuu yiri orodyahankaan Feyisa Lilesa