Afgooye ( INO)-Iska hor’imaadkaan oo geystay khasaaro ayaa labo Maleeshiyo beeleed waxa uu ku dhexmaray deegaanka Balow oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhintay mid kalana waa uu ku dhaawacmay , Gadiidna waa lagu gubay , dagaalkaas oo salka ku hayay is qab qabsi ku aadan dhul beereed.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay in Odayaasha dhaqanka deegaanka dirirtu ka dhacday ay ku baxeen dagaalka , xaaladuna tahay mid degan.
Ugu dambeyntii, Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku soo noq noqday xiisadaha salka ku haya dagaal beeleedyada kuwaas oo geysta khasaarooyin Nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.