Stochhum(INO)- Wiil Somali 8 jir ah ayaa lagu dilay caasimada labaad ee dalka Sweden ee Gothenburg, kadib markii sida la sheegay guriga uu ku jiray Wiilkaasi bam gacmeed lagu tuuray.
Dhacdadaan ayaa timid, kadib markii dad aanan la aqoon daaqada guriga wiilkaan uu ku jiray ay ku tuureen Bam gacmeed, taasi oo keentay inuu ku geeriyoodo Wiilkaas.
Wiilkaan yar iyo Ehelkiisa oo ka yimid Magaalada London ee dalka UK, ayaa booqasho ku joogay Caasimada labaad ee dalka Sweden Gothenburg, balse amuurtaasi ayaa qabsatay.
Sacdiyo Fure oo ah gabadha degan guriga Bamka lagu weeraray ayaa sheegtay inaysan garan karin sababta ka dambeysay bam gacmeedka lagu weeraray gurigooda.
Guriga la weeraray ayaa la sheegay in horay looga xiray Wiil lagu tuhmay arimo ku aadan ku lug lahaanshaha fal dil ah oo ka dhacay Magaaladaasi, laakiin ma cadda weerarkaan inuu la xiriiro arintaasi.
Booliska oo tagay goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka sameeyeen baaritaano, aanan natiijo laheyn, hayeeshe arintaan ayaa waxaa si weyn uga naxay dadka Somalida ah ee degan Magaaladaasi oo arintaan ku noqotay fal argagax badan.