Cali Dheere oo faah-faahin ka bixiyay sababta Qaraxyada Ismiidaaminta uga geysteen Galkacyo

0
179

Galkacyo(INO)- Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Shabaabka ayaa faah-faahin wuxuu ka bixiyay sababtii ka dambeysay in qaraxyo Ismiidaamin ah ay ka fuliyaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee Gaalkacyo ka dhacay, waxaa ku geeriyooday in ka badan 25 ruux oo u badan dad shacab ah, kadib markii mid ka mid ah qaraxyada lagu beegsaday Suuqa Xero Dayax oo dad shacab ah, xilligaasi ay ka dukaameysanayeen.

Afhayeenka AL Shabaab ayaa wuxuu sheegay Qaraxyada inay ku dileen ku dhawaad 30 Askar iyo Masuuliyiin isugu jirta oo Maamulka Puntland ka tirsan.

Sababta ka dambeysa in Qaraxyada ay ka geystaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in Puntland ay xiriir dhaw la leedahay Itoobiya ayna qaataan amarada ka soo baxa Dowladda Itoobiya.

Sarkaalkaan ka tirsan Al Shabaab ayaa ku hanjabay hadii Maamulka Puntland uu joojin waayo xiriirka tooska ah ee ay la leeyihiin Dowladda Itoobiya inay la kulmi doonaan qaraxyo kale oo Shabaabka ay ka fuliyaan Magaalada Gaalkacyo, waa sida uu ku hanjabay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo shalay ka hadlaayay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay Qaraxyada Shabaabka ay fuliyeen in lagu doonaayay in lagu laayo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland oo goobta ku sugnaa.

Ka sokoow Shabaabka iyo Puntland hadalada ka soo kala yeeray Qaraxyadii labada ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa dhibaatada ugu badan waxa ay ka soo gaartay dad masaakiin ah oo ka adeeganaayay Suuqa Xero Dayax oo Xarunta Dowladda hoose ay ku taalo.