Maalmo sidaa aaney u badneyn ayaa ka dhiman qabashada Shirweyne Maamul loogu sameynayo Gobalada Jubooyinka oo dhowaan ka furmaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose,taasi ayaa waxaa ay keentey in ciidamo badan ay isku balaariyaan qeybaha Magaalada.
Xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa haatan lasoo sheegayaa iney noqotey wada ciidan,markii Maamulka KMG ah ee ka taliya magaalada uu go’aamiyey in Magaalada qeybaheeda kala duwan ciidamo badan la dhigo si amaanka loo adkeeyo.
Dad deegaanka ah oo aan khadka Taleefonka kula xariirey ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo dadka u sheegay in amaanka la ilaaliyo oo dhowan shirka uu ka fumayo Magaalada Kismaayo si aysan wax yeelo amaan uga soo gaarin Madaxda iyo waxgaradka kulanka imaaneysa.
Ciidamada Xaafadaha Magaalada Kismaayo loo kala qeybiyey ayaa waxaa ay isugu jiraan ciidamada Dowlada Soomaaliya,Raaskanbooni iyo ciidamada Dowlada Kenya oo iyagana ku sugan Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo,waxaan jira ciidamo iyagana la geeyay dhanka duleedyada magaalada Kismaayo.
Ciidamadan loo xil saarey iney xaqiijiyaan amaanka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu amrey iney gacanta kusoo dhigaan wixii amaan xumo isku dayaya iney Magaalada ka sameeyaan,waxaana dhanka kale Magaalada si caadi ah uga socda u diyaar garowga shirka ka furmaa Kismaayo.
Idale News Muqdisho