Waxaa daqiiqado ka hor Magalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo garay Diyaarad qaas ah oo waday Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Maamulada Doolow,Baladxaawo,Luuq iyo Saraakil katirsan Ciidamada Gobolka Gedo.
Wafdigaan ayaa waxaa siweyn garoonka diyaaradaha ee Garbaharey ugu soo dhaweyay qaybaha kala duwan ee bulshada Garbaharey sida Ururada Hawenka ururada dhalinyarada iyo masuliyinti Magaalada Garbaharey ku sugnaa.
Wafdigaan ayaa boqolal dadweyne ah hada kula hadlaya Airporka Garbaharey kadib na waxaay u gudbayaan Xarunta Maamulka Garbaharey halkaas oo kulamo ay kula yeelan doonan Masuliyintii horay ugu sugnaa Magaalada Garbaharey.
Kulankaan ka dib Masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaay kulamo la qadan doonan qaybaha kala duwaan ee ee Bulshada Garbaharey ayado kulamadaasiina diirada lagu sari doona so xulista Ergoyinka Magaalada Garbahareey uga qayb gali laha Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Idale News Muqdisho


