Xubno Lala Xiriirinayo Al Shabaab Oo Lagu Toogtay Dalka Rwand

0
162

Bugarama ( INO)-Booliska Dalka Rwanda ayaa shaaca ka qaaday in ay toogasho ku Dileen ugu yaraan 4 Ruux oo lala xiriirinayo in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Dalka Rwanda oo la hadlay BBC-da ayaa waxuu sheegay in 3 Ruux oo qirtay ka mid ahaanshaha Al Shabaab in lagu Dilay Magaalada Bugarama ee Dalkaasi.

Waxuu sidoo kale Sarkaalkaan uu carabka ku adkeeyay Nin isna lagu tuhmay Al Shabaab in Booliska ay ku toogteen Magaalada Kigali ee Caasimada Dalka Rwanda.

Booliska Dalka Rwanda ayaa horaantii sanadkaan waxey Dalkaasi ku toogteen wadaad caan ahaa oo lagu eedeeyay in uu halkaasi Dagaal yahano uga qorayay Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Kigali ayaa shaaca ka qaaday in aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka ah Xubnaha lagu tuhmayo in ay ka tisan yihiin Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.