Holland oo daqiiqaddii ugu dambeeyay joojisay Soomaali laga soo tarxiililahaa

0
220

Dad soomaali ah oo la doonayey in laga soo tarxiilo dalka Holland maalintii shalay ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay la joojiyey kadib markii uu amar ka soohorjeeda in dadkaasi soomaaliya loo soo tarxiilo uu ka soo baxay makamad ku taalla dalkaasi

Sida warku sheegayo Maxkamadda waxay joojisay Subaxnimadii Arbacadii shalay masaafurinta dad magan gelyodoon ah oo Soomaali ah , waxayna Maxkamaddu go’aankeeda u cuskatay waxa loogu yeero, xaalad kumeel-gaar, Voolopige Voorziening (Vovo) ee uu garyaqaanka dadkaasi u doodayey uu doraad maxkamadda u gudbiyay taas oo ay maxakamddu oggolaatay Sidaasi darteed ayey tiri maxkamaddu masaafurintii dadkaasi soomaalida ah waxaa looga noqday si ku-meel-gaar ah, inkastoo ay dowladda Holland ku adkeysaneyso in dadkaasi dalkooda soomaaliya loo masaafuriyo

Xoghayaha Dowladda ee qaabilsan qaxootiga Tevens wuxuu dhawaan wax ka baddal ku sameeyay siyaasadda uu kula dhaqmayo Soomaalida, hase yeeshee waxay gabogabadiisu tahay sida ay qabto hay,adda vluchtelingenwerk oo qaxootiga caawiso in Soomaaliya aysan wali xasilooni buuxdaa ka dhalan . Sidaa darteedna ay si aad iyo aad ah uga walaacsan tahay waxa ay ku dambayn doonaan dadkaasi haddii la celiyo .

Qiyaastii, tarxiilka ay dowladda Holland dooneyso wuxuu saameynaayaa dhor boqol oo Soomaali ah. Waxaana jira Kooxda qaxootiga taakuleysa iyo dhowr urur oo xuquuqda dadka u dooda oo masaafirinta ku tilmaamay mid mas’uuliyad darro ay ka muuqato.Ilaa iyo haatan ma jiraan wadamo kale oo Yurub ah oo sheegay inay si qasab ah qaxootiga Soomaaliyeed dib u celinayaan.

Idale News Muqdisho