Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo ka qeybgalay shir ku saabsan Ganacsiga oo Roma lagu qabtay +SAWIRO

0
257

Shirkan ayaa waxaa isla shir gudoominayey wasiirada arimaha dibada ee Talyaaniga Gulio Terzi iyo Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Xasan, waxaana  shirkaasi ka soo qeybgalay ganacsatada iyo maal qabeenada dalka Talyaanigaa, iyada oo ujeedadeeda kulankaasi uu ahaa soo bandhiga warbixinta Soomaaliya.

Shirkan oo lagu casuumay gacsatada gaar ahaan madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsato kale oo ka socotay maamulada Somaliland iyo Puntland, hase yeeshee  uma suurta galin in  ay shirka ka soo qeybgalaan sababo la xiriira waqtiga oo gaabnaa iyo arimo la xiriira Visaha.

Wasiirka Arimaha dibada ee Talyaaniga Gulio Terzi oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Talyaanigu uu aad u daneynayo in uu dib u soo celiyo mashaariicdii horumarineed iyo ganacsi ee Soomaaliya  horay ula sameyn jireen, maadama iminka  nabadii soo noqoneyso, waxa uuna muujiyey doorka talyaaniga ee arimaha Soomaliya uu waqtiyada dhaw  laga dareemi doono gudaha wadanka Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dalkeena Soomaaliya  Mudane Maxamuud  Axmed Xasan oo isagana halkaasi ka hadlay  ayaa  warbixin dheer ka bixiyey xaalada guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan  sida dowladda Soomaaliya ugu guuleysatay   amaanka iyo dib u soo celinta nolosha, waxa uuna hoosta ka xariiqay in xiligan lagama maarmaan  ay tahay dhiiri galinta mashaariicda maalgashi ee caalamiga ah gaar ahaan dowlada iyo maal qabeenada dalka Talyaaniga in ay ku soo dhaweynayaan in ay yimaadaan dalka ayna ka qeyb qaataan  mashaariicdan maadaama dalkeena Soomaaliya uu yahay wadan qani ku ah dhinacyada wax soo saarka iyo kheyraadka kale.

Xubno ka socday ganacsatada iyo maal qabeenada dalka Talyaaniga iyo xubno kale oo iyagana ka socday qeybaha waxbarashada  ee Talyaaniga iyo Soomaaliya  ayaa halkaasi ku soo bandhigay warbixno kala duwan.

Shirkan oo muhiim ahaa waxaa soo buux dhaafiyey  ganacsatada iyo maal qabeenada dalka talyaaniga oo si weyn u xiiseynayey in ay dhageystaan warbixinta Wasiirka Ganacsiga  iyo wafdiga la socda, waxaana hadalo kooban oo ay halkaasi ka jeediyeen  soo bandigeen qorshayaal la xiriira sida ugu haboon oo ay uga qeyb qaadan karaan barnaanijyada  maalgashi ee Soomaaliya, iyada oo sidoo kale su’aalo dhowr ah halkaasina lagu weydiiyey wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga kuwaasi oo la xiriiray siyaasada talyaaniga ee ku aadan arimaha Soomaaliya.

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/r1.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/r3.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/r4.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/r5.jpg

http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/02/r12.jpg

Idale News Muqdisho