Diyaar garowgii u dambeeyay ee shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka oo Kismaayo ka socda

0
237

Qaban qaabo xoog leh iyo diyar garow ballaaran ayaa loogu jira shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka, kaasoo lagu wado in maalinta sabtida oo ku beegan 23-Febraayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegayaan wararka Gudiyo farsamo oo ku howlan diyaarinta hab sami u socodka shirka ayaa la sameeyay, iyadoo Ergooyinka xoogooda ay soo xaadireen magaalada.

Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa sheegaya inay wax walba oo ku saabsan shirka ay diyaariyeen, isla markaana ay rajeynayaan in Sabtida inuu furmo shirka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdi ka socda Maamul KMG Kismaayo ay ku soo wajahan yihiin Muqdisho, si dowladda ay ugu qanciyaan in shirka ay ka qeyb gasho, inkastoo dowladdu aanay wali cadeyn go’aankeeda.

Shirar looga soo horjeeday maamul u sameynta Jubooyinka ayaa ka kala dhacay Magaalada Muqdisho iyo Garbahaarey, waxaana siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay ka digeen shirka maamul u sameynta.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo horjeedaan, isla markaana xilligan oo aanay siu furneyn goboladaas munaasib aheyn in la sameeyo maamulo deegaanadaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garowga shirkan, iyadoo la diyaariyay halkii shirka ka dhici lahaa oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, waxaana hadal heynta guud ee magaalada tahay shirkan iyo waxyaabaha ka soo bixi kara.

Idale News Muqdisho