Dhageyso: Gabar u Tartameysa Xilka Madaxweynenimo Oo Soo Gaartay Muqdisho

0
204

Muqdisho(INO)- Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya soo gaartay Canab Maxamed Daahir oo ah Gabar Soomaaliyeed oo u tartamaeysa xilka Madaxtinimo ee dalka.

Canab oo madax u ah xisbiga shacabka, Islamarkaanah horey u shaacisay inay tahay Musharax u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa shalay ka soo degtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Musharaxadda oo la hadashay warbaahinta ayaa waxa ay ugu horayn ka warbixisay sababta keentay inay u tartanto xilka madaxweynenimada Soomaaliya, Waxayna sheegtay in iyadoo ah qof dumar ah inay go’aankaasi qaadatay marka ay aragtay Xaalada dalka Soomaaliya ka jirta.

Waxayna si gaar ah uga hadashay Dawlad Xumada ka jirta dalka, Sida shacabkii Soomaaliyeed u kala tageen, Waxayna sheegtay inay soo kicisay Karti, dadnimo, Aqoon, Wadaniyad ay leedahay, Waxayna Canab ka Warantay xirfadaheeda iyo waxyaabaha ay soo Baratay iyo Dawladaha ay lasoo Shaqaysay.