Dowladda Uganda oo muddo 22-sano kadib Safaarad ka furaneysa magaalada Muqdisho

0
205

Dowlada Uganda ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ka furato safaarad caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibada ee dowlada Uganda Henry Okello Oryem ayaa sheegay in wakiilka cusub ee dowlada Uganda u fadhin doona Soomaaliya Prof Sam Turyamuhika uu gaari doono Muqdisho dhowaan.

“Turyamuhika waxaa uu noqon doonaa ku xigeenkiisa Maj Gen Nathan Mugisha kaasoo hore u ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ee dalka Soomaaliya,”ayuu yiri Oryem.

ugandan-flag

Labadan sarkaal ayaa waxaa sanadkii hore loo magacabaay in ay wakiil uga noqdaan dalka Uganda arrimaha dalka Soomaaliya.

Ciidamo ka socda dalka Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee ka howlgala dalka Soomaaliya iyadoo ciidamo wadamo kale ka socda ay joogaan dalka Soomaaliya.

Kumanaan ruux oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku sugan dalka Uganda iyadoo dad kale oo ganacsato ah ay ku nool yihiin dalka Uganda.

Idale News Muqdisho