Warar sheegaya in Duqeyntii Saakoow Lagu Dilay Hogaamiyaha Al-shabaab

0
237

Saakow(INO)- Wakaalada Wararka Shiinaha Xinhua oo soo xiganeysay ilo wareedyo ku dhow dhow Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howl galadii dhacay 10-kii bishan iyo 13 bishan, kaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe. ay u badantahay lagu dilay Hogaamiyaha kooxda al-shabaab.

“Ciidamada Mareykanka oo taageeraya Kumaadooska Soomaaliya, waxay weerar ku qaadeen Saakow, oo ay ku dileen 30 dagaalame, howl gal gaar ahaa oo dhacay intii u dhaxeysay 10-13 Agosto, xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay”sidaas waxaa Wakaalada wararka ee Xinhua khadka taleefanka ugu sheegay Sarkaal ka gaabsaday magaciisa.

Ciidamada Milatariga

Xinhua ayaa intaa ku dartay in Sarkaalka uu u sheegay in loo maleynayo in Hoggaamiyaha Al-Shabaab lagu dilay howl galka.

Sidoo kale Wakaalada Xinhua ayaa sheegtay in Afhayeenkii Al-Shabaab Abuu Muscab iyo nin magaciisa lagu sheegay Abu Omar iyana lagu dilay howl galka.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya, inkastoo uu jiro tuhunka ah in howl gal ka dhacay Saakow, hadana ma cada cida la bartilmaameedsaday.