Daawo: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Baydhabo Ka Furey Shir Looga Tashanayo Qorshaha Qaranka

0
194

Baydhabo(INO)–  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ka Furey Shirka wada tashiga dhameystirka Qorshaha Qaranka.

Shirka ay ka qeyb geli doonaan Guddiga tala bixinta horumarinta qorshaha Qaranka oo ka kooban Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Ururka haweenka Qaranka, Ururka dhallinyarada, Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacadaha Dalka iyo Wasiirada Dowlad goboleedyada.

Shirka oo ah mid hal maalin, isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ayaa diirada lagu saari doono qabyo qoraalka qorshaha Qaranka oo ay Wasaaraddu dhawaan soo bandhigtay, waxaana ka qeyb galayaasha ay ka doodi doonaan qodobada ugu muhiimsan, si la isla meel dhigo qorshe Qaran oo ay yeelato Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

“Ujeedka shirkan waa in aan talooyin ku helnaa, wixii talo ah wasaaradu diyaar ayey u tahay iney qaadato oo aan ku darsano qorshaheena, si loo helo qorshe qaran oo dhameystiran”ayuu yiri Prof. C/laahi Sheekh Cali Qaloocow wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Ee DFS.

Halkan Ka Daawo Sawiro

01020304