Dowlada Somalia oo arin aan la filanayn kula kacday Saxiixeyaasha Jubbaland iyo IGAAD oo u soo gurmatay

0
254

Manta waxaa  Magaalada Doolow ee  Gobolka Gedo ka dhacay  arin aan laga filanayn Dowlada Fadaralka Somalia qaas ahaan Xukuumaadda Somalia ee u hurmuudka u yahay Raisulwasaare Dr Saacid.

Dowlada Somalia ayaa manta mid ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee ka shaqeeya Somalia  isla markana  rabtay in ay manta ka qaado Magaalada Doolow  Masuliyinta  Dagmoyinka Doolow, Baladxaawo, Luuq , iyo Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo  iyo waliba saraakil  ciidan uga hanjabtay in ay kala laban doonto  shatiga  hadi ay u duusho Gobolka Gedo oo ay qado wafuudaas ku wajahan  Garbaharey.

Arinkaan ayaa waxaa uu wal wal badan ku abuuray Shirkadan oo ayadu horay u qadatay   lacagti ay ku samayn lahayd dulimaadka  Doolow ila Garbahareey ay ugu qadaysay Masuliyintaasi.

Shirkadan ayaa si kasta isgu dayday in ay arinkaan xal ka garaan  isla markana ay wataan  shaqadoodi balse  waxaa arinkaas ku adkaystay  Xukuumadda Somalia.

Masuliyiinti Shirkadaasi ayaa waxaay ku qasbanadeen in ay  aqbaalan   amarka ka soo baxay xukuumada Somalia waxaayna dib u soo celiyeen lacagtii ay horay uga qateen Masuliyiinta Maamul usamameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Arinkaan ayaa waxaa uu sababay in ay caro weyn  mujiyaan Boqolal Dadweyne ah  oo wata Calanka Somalia oo ku sugnaa  Garoonka diyaaradaha ee  Garbaharey kuwaas oo u diyaarsana in ay soo dhaweyaan Masuliyiinta ka socota Gudiyaada Jubbaland iyo Maamulada Gobolka Gedo ayado ugu danbeyn ay shacabkaasi kala dareereen ka dib marki lo shegay in falkaani ay ku kacday Xukuumadi lo hanweynaa.

Dhanka kale  waxaa arinkaasi ka gilgishay  Saxiixeyaasha Jubbaland  Gudomiyeyaasha Dagmoyinka  Balad Xaawo, Luuq,Doolow iyi sarakiisha Hogaamisa Ciidamada Dowlada ee Gobolka Gedo  kuwaas oo  sugayay in ay si wada jir ah u garaan  Magaalada Garbaharey bal si ay wadahadalo iyo isfahan ula garaan masuliyiin kale oo ku sugnayd Magaalada Garbaharey.

Marki ay arinkaasi  dhacday Masuliyiinta Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaay xariir la sameyeen Urur Goboleedka Igaad oo ayagu  Gudiga Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ka taagera  Arimo badan  waxaana Urur Goboleedka IGAAD balan qaday in uu masuliyiintaasi u soo diraayo Diyaarad gaysa  Magaalada Garbahareey iyo waliba Diyaaradihi  lagu soo qaadi laha Ergoyinka Gobolka Gedo  ka imanaya waxaana gudigaasi lagu wada in uu maalinta bari ah garo Magaalada Garbaharey..

Dhacdadan ayaa waxaa si weyn  uga Carooday  qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka ayago ku tilmaamay tilaabo lagu diidan yahay wada hadal dhexmara Siyaasiyiinta Gobolka Gedo .

Isku soo wada duubo  faidada kaliyah ee laga dhaxli karaa arinkaan waa  si kala fogaansho ku timaada  Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo Maamulka Kmg ah ee Kismaayo iyo Dowlada Somalia .