Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay sharcigii dhowrista Xuquuqul Insaarnka ee shalay uu qalinka ku duugay iyo Dad uu sheegay in Dembiyo ay galeen Dawladu uxirtay.
Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ayuu xasan Sheekh jeediyey uu kaga waramay Ahmiyaha Sharcigaan uleeyahay Dadka Soomaaliyeed iyo sida loo baahan yahay in loo ilaaliyo dhaqan galkiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad uga xumaado jir dil ama ihaano sharaf qofeed loo geysto Dawlada Shakhsi katirsan ama qof kaleba falkaasi ha sameeyo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay inay hadda dawladu uxiran yihiin dad Xuquuqul insaanka dembi ka galay waxaana uu sidoo kale ka digay in Siyaasada iyo Arimaha Bini’aadanimada la isku lifaaqo kuna tilmaamay Sharci gaar ah oo Siyaasada loo sameeyey.