Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo dib ugu soo laabtay dalka kana warbixisay Safarkii ay ku joogtay Dalalka Caalamka

0
211

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta Dalka dib ugu soolaabatay ayaa kawarbixisay safarkii ay ku joogtay Dalalka Caalamka ee Soomaaliya xiriirka la leh.

Wasiirada ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta saran lagana taageero dhismaha ciidamada Badda Soomaaliya si looga hortago burcad badeeda ka qowlaysata badweynta Soomaaliyeed iyo badaha caalamka.

Sidoo kale waxay sheegtay wasiirada inay kawada hadleen qaar katirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay sidii ciidanka badda  Soomaaliya ay awood ugu yeelan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida taasina ay ku imaan karto in dib udhis ballaaran lagu sameeyo ciidanka badda ee Soomaaliya.

waxay sheegtay wasiirada inay meel wanaagsan marayso wada hadalka iyo qorshaha lagu gaari lahaa xal iyo hormar ay kutalaabsato Soomaaliya sida ay sheegtay.

Idale News Muqdisho