Maleeshiyaad weeraray Xarun Al Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan

0
193

Baladweyne ( INO)-Maleeshiyaad Hubeysan ayaa xalay weerar xoogan waxa ay ku qaadeen Saldhig Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka Magaalada Baladweyne.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay Saldhiga Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Luuq Jeelow oo 20 Km dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaana weerarkaan uu ku soo beegmay kadib Todobaadyo ka hor markii deegaankaasi Luuq Jeelow lagu gowracay Nabadoon caan ahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in ay ka war hayeen weerarkaasi islamarkaana 3 Dagaalyahan Al Shabaab looga dilay kuwaas oo mid ka mid ahaa uu ahaa Sarkaal sida uu hadalka u dhigay.