Kenya oo Abaal marin lacageed dul dhigtay Madaxa Hoggaamiye ka tirsan Al Shabaab

0
190

Nairobi ( INO)-Dowladda Kenya ayaa balan qaaday in labo milyan oo lacagta Kenyaanka ay siin doonto cid kasta oo soo sheegta ama xog ka keenta halka uu joogo Cabdullaahi Cabdi Sheekh oo ah Sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Sarkaal Cabdullaahi Cabdi Sheekh uu hubeysan yahay islamarkaana uu khatar ku yahay amaanka Dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya, Joseph Boinnet ayaa ku eedeeyay Sarkaalkaan in uu maleegay Weeraro ka dhan ah Saldhiga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Magaalada Lamu ee Dalkaasi.

Cabdullaahi Cabdi Sheekh  oo dhowr iyo 20 jir ah ayaa la aaminsan yahay in uu ka soo jeedo Dalka Soomaaliya, islamarkaana uu xiriir la leeyahay  Ururka Jaysh Ayman  oo inta badan fuliya Weerarada ka dhaca Dalka Kenya.

Sawirka Sarkaalkaan la doon doonayo ayaa lagu arkay muuqaal ku aadan Weerar dhawaan Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Buare oo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Magaalada Lamu.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale shaacisay in Sarkaalkan ka tirsan Al Shabaab uu ka howlgallo inta u dhaxeysa Dalka Soomaaliya iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Sikastaba, Kenya ayaa u caalweysay ka hortaga Weerarada Al Shabaab tan iyo markii Ciidamo ka socda Xukuumadda Nairobi ay gudaha u soo galeen Dalka Soomaaliya, waxaana Al Shabaab ay ku xireen joojinta Weerarada ka dhaca Dalkaasi in Xoogaga Kenya ee AMISOM ay isaga baxaan guud ahaan Dalka Soomaaliya.