Luuq(INO)- Wararka aan ka helayno Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Ee Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan shaqadii looga ceeriyey Gudoomiyihii Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo.
Ilo wareed ay Heshay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegayaan in Maxamuud Sayid Aadan oo hadda kusugan Luuq uu kala diray maamulkii degmaaasi.
Waxa lagu Eedeeyey inuusan wada shaqeyn la laheyn Bishaar Aadan Gudoomiyihii laga ceeriyey shaqada taasi keentay in shakhsi kale lagu dul magacaabo isna la Eryo.
Hore Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaweyne Kuxigeenka Labaad Koobaad Ee Jubbaland ayaa waxa uu shaqada ka ceeriyey Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Gedo iyo Xubno kale.