Daawo: Madaxweynaha KGS Oo Xaley Xaflad Soo Dhaweeyn Ah U Sameeyey Wefdi Ka Socoda Dowlada Taliyaaniga

0
174

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa Xaley Madaxtooyada  Xaflad Soo Dhaweyn ah Ugu Sameeyey Wefdi Caalami ah oo Ka Socoda Dowlada Taliyaaniga Kuwaasoo Doonaya in Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka Fuliyaan Mashaariic  kala duwan isla markaaana waxay  ka  qiib qaadanayaan Dhismaha Jaamacadda Koonfur Galbeed Soomazaaliya oo maaalintii  shaley la dhagax dhigey.

Dowlada Taliyaaniga ayaa waxay horaantii sanadkan Koonfur Galbeed Soomaaliya ugu deeqdey Radio FM ah oo ku hadla Afka Dowlada Kaasoo hadda si weyn looga dhageysto Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxigeed.