Holland oo gacanta ku dhigtay Tiro Burcad badeed soomaali ah

0
222

Sida laga soo xigtay Wargeysyada kasoo baxa Dalka Holland ayaa sheegaya in Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland uu gacanta ku dhigay Tiro burcad badeed Soomaali ah, Burcada ayaa laga qabtay Xeebaha Dalka Somalia waxaana lagu soo waramaaya in Burcadaadi tiradooda ay tahay Sagaal ruux

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda difaaca Holland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadda Holland ee Xubin ka ah Ciidamadda la dagaalanka Burcad badeed, waxa ayna wasaaradda sheegtay in Burcadaasi loo gudbiyay Maxkamada dambiyada si loo kala xaqiijiyo Howlaha ay kala haayen Burcadaasi

Si kastaba ha ahaatee Saraakiisha ciidamada badda ee Holland ee qeybta ah ka howlgalka Atlanta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kooxda la qabtay, waxa ayna sheegen Saraakiishaasi in mudooyinkaani laga bad-baaday Burcadda balse iminka ay kusoo laabanaayan falalka ay ka geestaan Badda Somalia.

Idale News Muqdisho