Saldhigyo Ay Ku Sugnaayen Horjoogayaasha Shabaab Oo La Duqeeyay

0
167

Saakow(INO)-Duqeymo culus ayaa waxa ay saacadihii ugu danbeeyay ka dhaceen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeymaha ayaa waxaa fuliyay diyaarado aan la garaneynin dalka laga leeyahay kuwaasi oo xili saqbarkii Habeenimo gantaalo ku hubsaday Saldhigyo ay ku sugnaayen Horjoogayaal iyo Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab.

Duqeynta ugu badan ayaa la sheegay inay ka dhacday kontoroolka magaalada laga soo galo oo ay ku sugnaayen Horjoogayaal iyo Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab, waxaana duqeymahaasi ka dhashay khasaaro ba’an sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Mid kamid ah Saraakiisha dhanka howlgalada Jubbaland ayaa sheegay inay jiraan xogo muujinaaya in diyaaradaasi laga lahaa dalka Mareykanka, waxa uuna cadeeyay in duqeynta ay waxyeelo culus kasoo gaartay Al-shabaab.

Sargaalkaani ayaa sheegay in sida ay wararka ku helayaan Saqdii dhexe ee xalay ay maleeshiyadu go’doomisay degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana sidoo kale la maqlaayay dhawaqa rasaas ay ku baacsanayeen dad shacab ah.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta balse waxaa la xaqiijiyay in ujeedka duqeynta ay aheyd mid lagu beegsanaayay Horjoogayaal cadaan ah oo uu baadigoobaayay Mareykanku.