Maxkamadda Derajada Labaad oo Manta Bilaabaysa Dhegaysiga Racfaanka Wariye Koronto

0
228

Iyadoo Bishan Shanteedii Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka banaadir ay Xukun ku Ridday Wariye Cabdicasiis Koronto iyo haweeney ay isla Eedeysnaayeen ayaa Maanta waxaa Magaalada Muqdisho dib uga bilaabanaya Dhagaysiga Racfaankii ay Xukunkaas ka qaateen Eedeysanayaasha.

Avv. Maxamed Maxamuud Faarax oo isagu difaacaya Dacweeysanayaashaas oo war baahinta u waramay ayaa xaqiijiyay in manta dacwaddaasi ay ka Furmayso.Xarunta Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka banaadir.

Avvukataha ayaa sheegay in ay raja wanaagsan ka qabaan in xukunkii hore ay u ridday Maxkamadda darajada koowaad manta la so oaf jari doono isla markaana la sii deyn doono Wariyaha iyo gabadha uu difaacayo.

Maxamed Maxamuud faarax ayaa ku tilmaamay xukunkii ay Ridday Maxkamaddaas inuu ahaa mid cadaaladda aad uga fog isla markaana uu dal dalool weyn ka muuqday.

Xeer Ilaalinta ayaa uu sheegay in markii  hore ay soo gudbisay Dacwad ah Qaran Dumis iyo Kufsi hase yeeshee markii danbe Eeddaas la bedelay lana sheegay in Guri la isla galay waa siduu hadalka u yiri Avukatahee.

Qareenkan u doodaya Dacweysanayaasha ayaa si weyn kalsooni uga muujiyay in cadaaladda ay soo if bixi doonto isagoona intaa sii raaciyay in Marqaatiyaal iyo Dukintiyo kala duwan in ay u gudbin doonaan ama ay hor dhigi doonaan Maxkamadda racfaanka.

Qareenka ayaa ku hanjabay in xittaa haddii Maxkamadda darajada Labaad ay raacdo Xukunkii kan ka horeeyay uu racfaan kale ka qaadan doono isla markaana uu dacwadda u gudbin doono Maxkamadda sare. Ee Dalka.

Si kastaba Maanta Saacaddu marka ay tahay Tobanka Subaxnimo ayaa la filayaa in Maxkamadda racfaanku ay bilowdo dhagaysiga dacwaddaas.

Idale News Muqdisho