Gaarigii ugu horeeyay ee aan xabaddu karin ayaa laga soo dajiyay magaalada xeebta ku taala ee Kismaayo, xili ay halkaasi ka socdaan qabanqaabada shirka lagu yagleelaayo maamul goboleed ay yeeshaan labada Jubba iyo Gedo.
Gaariga ayaa sida ay u sheegeen ilo wargaleen ah waxaa mulkiyaddiisa la gudoonsiiyay gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Kismaayo ahna hogaamiya Kaambooniyiinta, Sh. Axmed Madoobe.
Waxaa maalgalinta iska leh oo soo gaday gaariga, maamul goboleedka IGAD. Kismaayo waxaa ka socda ol-ole doorasho kii ugu danbeeyay waxaadna gidaarada ku arkaysaa qaar kamid ah musharixiinta u taagan jagada ugu saraysay. Mid kamid ah musharaxiinta ugu tunka weyn ee jagadan u taagan waa gudoomiyaha maamulka ku meel gaarka ah Sh. Axmed Madoobe, kaasi oo IGAD ay gudoonsiisay gaarigii ugu horeeyay ee aan xabaddu karin oo taayirada soo dhiga meel kamid ah bugcadda Soomaaliya.
Idale News Muqdisho