Fadeexad: Wasaarada Ganacsiga Dowlada Federaalka oo ku lug yeelatey tahriib dhalinyaro 30 gaaraaya oo Airport Muqdisho lagu qabtey

0
199

Talaado August 9, 2016 Mogadishu (INO) – Shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Somalia ayaa maanta ka baajiyey safar Soddomeeyo dhalinyaro ah oo doonayey iney ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan oo ku sii jeeday wadanka turkiga ayaa raaci lahaa dayuurada Turkish Airlines duulimaadkeeda maanta hase ahaatee saraakiisha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa diiday iney halkaas ka dhoofaan.

Dhalinyaradan ayaa sheegay iney ka tirsan yihiin shaqaalaha Wasaaradda ganacsiga Somalia ayna Turkiga ugu ambabaxayaan ka qeyb galka carwo halkaas lagu qabanayo oo Soomaaliya ay ka qeyb galeyso.

Waxay intaa ku dareen in wasiirka ganacsiga Somalia uu kaga horeeyo wadanka Turkiga ayna viiseyaasha ay wadanka kaga dhoofayan u soo bixisay wasaarada ganacsiga.

Hase ahaatee saraakiisha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegay in dhalinyaradan ay wataan documentiyo sax ah, balse ay yihiin tahriibayaal la doonayey in magac dowladeed wadanka looga saaro, aysana ka tirsaneyn shaqaalaha wasaarada ganacsiga.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya oo sida la sheegay horkacayey dadkan laga celiyey safarka ayaa laga waayey garoonka Aadan cadde, iyadoo saraakiisha hogaanka socdaalka afar saacadood oo dhalinyaradan ay heysteen ka dib ku soo celiyey magaalada Muqdisho.

Saraakiisha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee dowlada Somalia ayaa dhowr mar hore garoonka dayuuradaha Aadan cadde dad tahriibayaal ah oo lagu dhoofin rabay magaca shaqaale dowladeed oo dibeda ugu baxaya tababaro iyo arrimo kale.