Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ka war bixiyay sababta keentay inuu isaga tanasulo Jagadii Xildhibaaninimada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gaaz oo Iminka ku sugan Dalka Maraykanka oo waraysi siiyay qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in sababta uu uga tanasulay Xilkaas in ay tahay isagoon xiligan dooneyn inuu ku sii sugnaado gudaha Dalka Soomaaliya.
Cabdweli Gaaz ayaa intaa ku daray in xildhibaanka looga baahan yahay inuu si joogta ah uga qayb galo shirarka Barlamaanka isla markaana uu ka war hayo Xaaladda beelaha uu ku Metalo Barlamaanka Soomaaliya.
Cabdiweli maxamed Cali gaas Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay aqoonsiga Maraykanku aqoonsaday Dawladda Federaalka Soomaaliya isagoona intaa ku daray in weligeedba Dipolumaasiyada Maraykanku ee arrimaha Soomaaliya ay shaqayn jirtay.
Gaaz ayaa farta ku fiiqay in iminka xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagayso isla markaana horumar ballaaran la gaaray.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mar haddii uusan dalka joogin isagu haatan Shacabka Soomaaliyeed uu jeclaan lahaa in ay midoobaan kana shaqeeyaan wixii horumar uu ku gaarayo Dalka isagoo dhinaca kalena Baarlamaanka Soomaaliya u rajeeyay sii dar dar gelinta hawlaha xiligan hor yaala.
Cabdweli Maxamed Cali oo ka mid ahaa Musharixiintii isu soo taagtay kal hore Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa markii uu waayay Jagadaas wuxuu dib olole uga bilaabay Gobolka Mudug isagoo doonayay inuu isu soo sharaxo Jagada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland arrintaasoo markii danbana uu isaga tanasulay.
Idale News Muqdisho