Qoysas u dhashay dalka Kenya oo wada xaajood la bilaabay Ururka Al Shabaab

0
204

Kadib markii habeenimadii Jimcihii Al Shabaab ay dishay mid ka mid ah 6-da ruux ee ay qafaalka u heysato ee u dhashay dalka Kenya, ayaa waxay qoysaska laheystayaasha ay bilaabeen inay Al Shabaab la hadlaan.

Tani ayaa waxay ka dambeysay ka gadaal markii Dowladda Kenya ay ka nixi weysay Muwaadiniinta, ee Al Shabaab ku goodisay inay dili doonaan, haddii aysan Dowladda Kenya u yeelin waxa ay doonayaan.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa si weyn ay wax uga qoreyn warkaan oo ku aadan in qoysaska shan Kenyaan oo Al-shabab haystaan ay damacsan yihiin inay wada hadal la furtaan Al-shabaab si ay u xaqiijiyaan siideynta wiilashooda oo Al-Shabaab in mudo ah gacanta ugu jira.

Majalasada The Star oo soo xiganaya Andrew Mwangura oo xoghayaha guud ee Midowga maaxiyiinta Kenya,ayaa xaqiijiyay arintaan ku aadan inay jiraan qoysas Kenyaanti ah inay damacsan yihiin inay la xaajoodaan Al-shabaab,maadaama dowlada Kenya dalabaad loo jeediyay ay fuliweysay.

Al Shabaab ayaa waxay suura gal ah inay soo dhaweyso waxa xaajoodyada ay ku baaqayaan ehelada dadkaan, inkastoo Al Shabaab uu ujeedkeedu uu yahay in loo yeeli waxa ay dooneyso.

Ma cadda waxa ay arintaan ku soo gaba gaboobo doonto, balse waxaa jira wanaagsan laga muujinayaan, in si wanaagsan ay ku soo idlaado.

Idale News Muqdisho