Qaraxyo Khasaaro Geystay Oo Saaka Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
184

Muqdisho (INO) — Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya labo Qarax oo siyaabo kala duwan Saaka uga dhacay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa 1-aad ayaa waxaa lagu beegsaday Gaari ay la socdeen Ciidamda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ku dhaawacmay sida la sheegay ugu yaraan 4 Askari.

Goobjooge ayaa u sheegay IdaleNews.com  in Qarax 2-aad lagu beegsaday Xoogaga Dowladda Federaalka, xili ay dhaawacyo u sii wadeen Isbitaal ku yaalla Degmada Dayniile.

Weli lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxa labaad.

Maamulka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegeen in Qaraxyada ay jiraan balse ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo la xiriir Qaraxyadaasi.

Qaraxyadan ayaa waxey imaanayaan Xili bam gacmeed lagu weeraray Gaari uu watay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xuukuumadda Soomaaliya, xili uu ku sugnaa Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.