Madaxweynaha “Cadawgeena wuxuu isku dayayaa wax kasta oo uu ku carqaladeyn karo doorashooyinka”

0
183

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayayaan inay carqaladeyaan doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan Soomaaliya bilaha soo socda, isagoo ku baaqay in laga feejignaado.

Hadalkan ayuu xalay Madaxweynaha ka jeediyay kulan casho ah oo uu la qaatay Madaxda Howl galka AMISOM, Safiirada dalalka geeska Afrika u fadhiya Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

“Ma jirto guul la gaarayo, hadii aanay caqabad jirin, ma jirto guul la gaarayo iyadoo aan nafta la hurin, waxaa jira waxyaabo badan oo nagala rabao inaan ka feejignaano, Waxaa soo dhow xilligii doorashada dalka ka dhici laheyd, cadawgeena wuxuu isku dayayaa wax kasta oo uu ku carqaladeyn karo doorashooyinka iyo nabada”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in AMISOM 9-kii sano ee ay Soomaaliya joogeen ay naftooda u hureen, waxaana uu xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaaladii iyo horumaradii la sameeyay mudadaas.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii Caalamka ay horay u arki jireen dhibaatooyinka Soomaaliya ka jiray sanado badan, haatan indhaha caalamka ay qabanayaan horumarada ka jira iyo inuu dalka soo kabanayo, horumar u jeesatay.

Waxaa uu sheegay in warbixintii ka soo baxday Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ay muujisay in Soomaaliya nabad ka jirto, lagana adkaanayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumaradaas la gaaray ay suura gelisay in 5-ta bisha September ee soo socota in magaalada Muqdisho lagu qabanayo shir madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaasoo noqonaya kii u horeeyay ee Soomaaliya lagu qaban doono muddo rubuc qarni ah.

ugu dambeyntii, Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan 2016 waxaa ka dhici doona doorashooyin, waxaana jirta cabsi laga qabo in Al-Shabaab ay sameeyaan weeraro ay ku carqaladeynayaa, waxaana dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wadeen weerarada ay ku qaadayeen Hotelada, xarumaha dowladda iyo xeryaha Ciidamada degan yihiin.