Markab Hub iyo Daroogo u Siday Maleeshiyada Al-Shabaab Oo La Qabtay

0
186

Mombaso(INO) – Wardoonka dowlada Kenya iyo Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay Markab la sheegay inuu waday shixnado Hub iyo Daroogo kaasi oo la rumeysan yahay inuu u rarnaa maleeshiyaadka Al-shabaab.

Markabka shixnada Hubka iyo Darooga lagu qabtay ayaa waxaa lagu magacaabaa MSC Posetano, waxaana la sheegay in qiimaha daroogada saarneyd lagu qiyaasay lacag dhan 360 million oo Shillinka Kenya, sida ay daabacday Saxaafadda Kenya.

Wardoonka Kenya iyo kuwa Mareykanka ee ka howlgala Kenya ayaa sheegay in tuhunka ugu badan uu yahay in Markabkaasi uu u rarnaa xagjirka Somalia ee Al-shabaab, waxa ayna tilmaameen in Daroogada ay aheyd mid lagu dhex qariyay gudaha Sokor saarneyd Markabka.

Waxa ay sheegen in Markabka uu sidoo kale waday 520 kiish ee Sonkor ah.

Wardoonka Mareykanku waxa ay sheegen in Markabkaasi ay boqolkiiba sideetan aaminsan yihiin inuu waday Hub ay leedahay Al-shabaab.

Cosmos Cherop oo ah ku-simaha Hay’adda Baddaha Kenya oo u waramaayay Wargeyska The Star, ayaa sheegay in Markabkaasi lagu qabtay Badda Kenya islamarkaana uu ahaa mid ka imaaday dhanka Dekadda Muqdisho.

Cosmos Cherop, waxa uu Wargeyska u sheegay in Markabka uu kusii jeeday Dekadda magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Mr Cosmos Cherop waxa uu bidhaamiyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay xiligaani garab xoogan ka helayaan Al-qacida.