Wararkii ugu dambeeyay qarax lagu weeraray Hoyga Taliyaha Howlgalada Ciidamada NISA

0
201

Muqdisho(INO)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax bam gacmeed ah oo xalay lagu weeraray Hoyga Taliyaha Hawlgalada Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, Aadan Maxamed Cumar.

Hoyga Taliyaha, ayaa wuxuu ku yaallaa Degmada Dharkiinley, gaar ahaan xaafadda Suuq Boocle, halkaasi oo la soo wariyay in Khasaare uu ka dhashay bam gacmeedka lagu weeraray xalay.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta gudaha waxa ay sheegeen in hal askari uu ku dhintay bamkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 askari oo ka tirsan ilaalada Hoyga Taliyaha.

Aadan Maxamed Cumar oo loo yaqaan (Aadan Dheere), ayaa ahaa Guddoomiyihii hore Degmada Dharkiinley, balse markii xilkaasi laga qaaday ayaa loo magacaaban xilka uu hadda ku magacaaban yahay.

Sarkaalkaan xalay hoygiisa bambada lagu weeraray, ayaanan ka hadlin bamkaasi lagu tuuray gurigiisa.

Ciidamada Nabad Suggida Degmada Dharkiinley, ayaa qaraxa k adib waxa ay sameeyeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena lagu baadigoobaayo ruuxii ka dambeeyay bambada lagu tuuray guriga. Lama soo sheegin cid ay qaraxaasi u soo qab qabteen.

Dhalinyarada Shabaabka ka tirsan, ayaa xilliyada habeenkii ah waxa ay la wareegaan bambooyinka gacanta laga tuuro, oo ay la beegsadaan goobaha ay ka ag-dhow yihiin Ciidamada Dowladda.