Shaqaalihii Hore Ee Bank-ga Dhexe Oo ka Cabanaya Amar Guryahooda Looga Saarayo

0
191

Muqdisho ( INO)-18 07 2016 ayaa go’aan ka soo baxay Maxkamada Sare ee dalka waxaa lagu cadeeyay, laguna go’aamiyay in shaqaalihii hore ee Bangiga dhexe loo xukumay guryahooda Bangaariyada ee ku yaal inta u dhexeysa Aipor-ka Aadan Cadde iyo Xaafada Buulo Xubey ee degmada Wadajir.

Shaqaalihii Bangiga dhexe ee Soomaalia oo ah dad u soo shaqeeyay Qaranka Soomaaliya isla markaana u badan dad da’ ah ayaa xalay marqura ku soo baraarugay Fariimo laga baahinayay TV-yada oo lagu amrayay in ay ka guuraan Gurayaha Bangaariyada oo hore ay Maxkamada Sare dalka iyaga ay ugu xukuntay.

Waxa shaqaalihii hore ee Bangiga dhexe ay ku tilmaameen wax fajac ah in go’aan la soo saaray iyadoo aan lala socodsiin qareenadoodii, taas oo muujineysa in uu yahay go’aan hal dhinc ka soo baxay.

Shaqaalihii hore ee Bangiga Dhexe ayaa xusay in hadii go’aankaa fulintiisa uu ku dhaqaaqo gudoomiyaha Bangiga dhexe ay noqon doonto arrin cadaalad daro ah, oo muujineysa in hantida dadka ka dhexeysa uu hal dhinac qaatay.

Shaqaalihii hore ee Bangiga Dhexe ayaa ku tilmaamay go’aanka guryahooda looga rarayo mid ka soo horjeeda Heshiiskii horay loola galay madaama guryaha Bangariyada lagu dhisay lacago horay iyaga looga qaaday, dowladii waqtigaa jirtayna ay u sheegtay in guryahaasi ay milkiyadooda yeelan doonaan shaqaalaha Bangiga marka ay muddo 20 sano ah shaqeeyaan.

Shaqaalihii hore ee Bangiga dhexe ayaa heysta Dunmitiyo sharci ah oo cadeynaya heshiisyadii horay loo galay, waxaana sidoo kale Maxkamada sare ee dalka ay sanadkaan u xukuntay in hantidaasi ay igaya leeyihiin.

Haddab Su’aasha Isweydiinta mudan ayaa ah Miyuu Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliga Jabin karaa Go’aan ay Maxkamada Sare ee dalka soo saartay?