Daawo Faah Faahin: Shirka Dejinta Qorshe Howleedka Iyo Dib U Dib U Heshiisinta Ee Ka Furmey Baydhabo

0
203

Baydhabo(INO)- Kulan loogu magacdaray Dejinta qorshe hawleedka dib u heshiisiinta iyo sameynta dowladaha hoose ayaa wasiirada arimaha gudaha dowlad goboleedyada uga furmay magaalada Baydhabo.

Kulunka Wadatashiga Dajinta Qorsha Howleedka Dib u heshisiinta Iyo Sameynta Dawladaha Hoose ee Maanta Ka furmay Magalada Baydhabo Ayaa waxaa Si toos ah Ufuray ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka KG Soomaaliya C/Qaadi Shariif Sheekhuna Maye.

Waxaana Shirkan oo looga magacadarey Wadajir Horeyna loogu soo qabtay Qaar ka mId ah Caasimadaha Dawladgobaleedyada.

Waxaana kulanka Ka qeybgalaya Wasiirada Airmaha Gudaha ee Maaul gobaleedyada . Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka  iyo gobolada soomaaliya Iyo Wakiilo Ka kala socoday Wasaarada arimaha Gudaha Dawlada Soomaaliya iyo hay’ada UNDP.

Shirkan oo Noqonaya shirkii Shanaad ee lagu qabto Maamulada Dawlada goboleedyada ayaa waxaa looga hadlaya Dejinta Qorshe lagu tayeynayo dawladaha hoose  ayaa waxaa hormuud ka ah Wasaarada arimaha Gudaha ee dawlada Soomaaliya .

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dawlad Gobaleedka KG C/Raxamaan Ibraahim Aadan Sate  oo Wasaaradiisu Marti galinayso Shirka ayaa ugu horeen wafuuda Ka qeybgaleysa Shirka Ku soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo iyo Shirka Wadajir oo wasaaradiisu ay ku martiqaadey.

Qaarkamid ah Ma’suuliyiinta ka qeybgalaya Shirka  ayaa muujiyey kalsoonida ay ku qabaan ka miradhalinta qorshaha shirka iyo imaatinkooda Magaalada Baydhabo.

Ugu damebyntii Gudoomiyaha Baarlamanka KG C/Qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Xogayaha Joogtada ah ee Wasarada Arimaha Gudaha ee Dawlada Soomaaliya Yaxiye Cali Ibraahim Ayaa Carabaabey ahmiyada Shirkan u leeyahay Ka qeybgaliyaasha iyo u jeedada ugu danbeysa ladoonayo.

Halkan Ka Daawo Sawiro

0102030405060708

 Wariye Abshir Maxamed Nuur Mandella, Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo.